f
Published On: Mon, Aug 26th, 2013

Netherlands: Studio Filimsheeg Amsterdam oo noqday hoyga fanka iyo fanaaniinta Yurub + video

Share This
Tags
Saida_Shiino

Saida Shiino

Studiyaha Filmsheeg Amsterdam Holland oo muddo dhowr bilood ka hor laga hirgaliyay Magaalada Amsterdam ee Xarunta Dalka Holland ayaa ku guuleystay in uu soo jeedo indhaha fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan qaarada Yurub kadib markii uu soo bandhigay shaqo nadiif ah oo dheeli tiran oo isugu jirta duubista heesaha Magalka iyo muuqaalka.

Saida Shiino oo ka mid ah Fanaaniintii hore kuna dhaqan Dalka Faransiiska ayaa ka mid noqotay fanaaniinta uu soo jiitay ee kadib ka soo qalab qaadatay dalka ay ku dhaqantahay ee France si uu Studioyaha ugu qabto shaqo muddo badan ay ku taameysay balse ay la, ayd studio u diyaarsan oo si wanaagsan ugu qabta.

Waxaana Studiyaha uu u duubay misana si wanaagsan uu ugu Edit gareeyay Muuqaalka Hees cusub oo markii ugu horeysay Maqlideeda uu suuragaliyay Milkiilaha Studiyaha Raage Ali Dheere oo mar uu la hadlay Fogaan Arag u sheegay in fanka iyo soo bandhigidiisa ay tahay ujeeedada ugu weyn ee loo aasaasay Studio Filmsheeg.

raage 2

Milkiilaha Studio Filimsheeg Amsterdam Ing Raage Ali Dheere

Mana ahan Studio ay leeyihiin fanaaniin gaar ah ee waxa uu u furan yahay qofkasta ee doonayo in loo duubo muuqaal haddii ay heeso yihiin ama Muuqaallo kaleba, waxana loogu habaynaa sida ay u dalbadaan iyadoo loogu dhamaynayo waxtiga ay dalbadaan ayuu yiri Guddoomiye Raage.

Waxa uu intaasi ku daray in shaqooyinka uu qabanayo Studiyaha ay ka mid yihiin Duubista heesaha maqalka ah oo haddii fanaanka uu haysto muusiga iyo erayada waxaan u suuragalinaynaa in aan u duubno heesta oo dhamaystiran, haddiise uu haysto heesta oo duuban waxa aan u samaynaynaa Muuqaalka heesta oo tayaysan loona adeegsanayo kaamirooyin iyo qalabka ugu dambeeyo ee lagu Edit gareeyo Muuqaalada, ayuu yiri.

Waxaa kaloo dheer intaas in fanaaniinta iyo qofkii kale ee u baahan in Muuqaal ama maqal loo sameeyo aan si wanaagsan ugula talinayno sida ugu haboon ee uu ku soo bixi karo Muuqaalka uu doonayo ka hor inta aanan gudda galin duubista muuqaalka , waana sirta ugu weyn ee ka dambeysa lagu muuqaallada tayaysan haddii laga wad tashado ka hor inta aanan la duubin.

Halkaan Ka Daawo Muuqaalka Heesta Cusub ee Saido Shiino

NB: Fadlan Xatooyo Maya Xigasho Haa.

Fogaan Arag News (F A NEWS AGENCY)

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>