Published On: Thu, Jan 1st, 2015

Netherlands: Nin Saddax Sanno Ku Dhex Mowtanaa Gurigiisa oo aanan laga warqabin

Share This
Tags

Red and white police lineMeydka nin 52 jir ah ayaa laga dhex helay gurigiisa kaas oo la aaminsan yahay in saddex sano ka hor uu si caadi ah ugu dhex dhintay gurigiisa oo ku yaalla gobolka waqooyiga Netherlands ee Groningen

Booliiska iyo dhaqaatiirta ayaa xaqiijiyay in uu dhintay saddex sano ka hor iyagoo ku saleeyay xiligii ugu dambaysay ee uu eego warqadaha postada ah ee loogu diro gurigiisa , “Waa wax aad loogu murugoodo in aanan la tabin” sidaasi waxaa yiri afhayeen u hadlay Booliiska Wouter de Vries.

Meydka 52 jirka ayaa la helay 25 kii November ee sanadkii hore kadib markii dad la dariska aha ay la xiriireen Booliiska iyagoo sheegay in aysan muddo arag iyo in ay dareemayaan ur saa,id ah oo ka soo baxaysa gurigiisa.

Sanad ka hor ayay aheyd markii meydka haweeney 74 jir aheyd laga dhex helay gurigeeda Magaalada Rotterdam kadib markii ay ku dhex dhimatay 10 sanno ka hor.
Fogaan Arag News

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>