Published On: Mon, Mar 23rd, 2015

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xafiiskiisa kula Shiray Gudiga Naafada Qaranka

Share This
Tags

madaxweynaha iyo naafadaKulankan maanta uu xafiiskiisa kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Gudiga Naafadda Qaranka ayaa waxaa uu ahaa mid saacado dheer qaatay isla markaana looga hadlaayay xaaladda Naafadda Soomaaliya iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si qoto dheer uga hadlay dhibaatada haysata Naafadda Soomaaliya isagoo sheegay in la sameyn doono xafiis isku xira Madaxtooyada iyo Gudiga Naafadda si xiriir joogto ah Madaxtooyada ula yeelato Naafadda Soomaaliya isla markaana u sahlanaato ka warqabka xaaladda Naafadda Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxmauud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa balan qaaday in la qaban doono shir weyne wax loogu qabanaayo duruufaha adag o ay ku nool yihiin Naafadda Soomaaliya.

Cali Cabdulaahi Salaad oo ah gudoomiyaha gudiga Naafadda Qaranka oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay kulanka Madaxweynaha Soomaaliya uu la yeeshay gudiga Naafadda isagoo sidoo kale sheegay in dhibaato aad u daran ay haysato Naafadda.

 

—-Dhammaad—

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>