Published On: Wed, Apr 1st, 2015

Netherlands: 13,000 oo Qooxooti ah ayaa Sugaya in ay helaan Guryo ay Degaan

Share This
Tags

asielzoeker213,000 Magangelyodoon ah oo la siiyay Deganaanshaha Netherlands ayaa sugaya in ay helaan guryo ay ku noolaadaan sida laga soo xigtay hay’adda dib u dejinta Qoxootiga ee COA.

Dowladdaha hoose ee Goboladda Netherlands ayaa laga rabaa in ay guryo u helaan Qeyb ahaan inta ku soo aada Qoxootgai iyadoo la eegayo hadba sida ay u kala weynyihiin, hase ahaatee qaar badan oo ka mid ah gobolladda ayaa ku doodaya in aysan haynin guryo banaan oo ay ku xaliyaan qeybta ku soo aadey.

Waxaana xaalka uu ka sii darayaa markii qoxooti kale oo hor leh loo ogolaado in ay ku noolaadaan dalka oo la siiyo deganaanshaha lixda bilood ee soo socota.

Marie-Louise van Kleef, oo ka tirsan waaxda dib u dajinta qoxootiga ayaa sheegtay in Gobollada ay tahay in ay dejiyaan qoxootiga waayo waa qorsho ay dejisay wasaaradada cadaalada kadib markii ay kala balantay Gobolllada iyo shirkadaha Guryaha in ay xaliyaan dhibaatada ka taagan guryo la,aanta Qoxootiga.

Amsterdam ayaa ah halka ugu daran ee ay ka jirto dhibaatada gurya la,aanta haysata qoxootiga waxaana sugaya 1,100 qof oo dhowaan helay deganaanshaha ayna tahay in ay dejiyaan Magaalada.
Fogaan Arag News

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>