Published On: Wed, Apr 15th, 2015

Ku Simaha RW oo Isbitaalka Deva Ku Booqday Dhaawacyadii Weerarkii Shalay

Share This
Tags

Muqdisho, Aprili 15, 2015….Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Waxbarashada Marwo Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Batroolka & Macadanta Maxamed Mukhtaar Ibrahim, Wasiiru dowlaha Waxbarashada C/laahi Bile Nuur iyo xubno kale oo kamid ah golaha Wasiirada ayaa maanta booqday dhaawacyada dadkii ku wax yeeloobay weerarkii shalay ay kooxaha nabadiidka ku qaadeen xarunta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare, halkaas oo ay daganayeen Wasaaradaha Waxbarashada iyo Batroolka & Macadanta.

Wasiirada ayaa booqday Isbitaalka Deva halkaas oo la geeyay inta badan dadka ay dhaawacyadu soo gaareen, waxana ay u rajeeyeen caafimaad, iyadoo xubnaha golaha Wasiirada ee isbitaalka booqday ay warbixin ka dhageysteen maamulka Isbitaalka Deva ee la tacaalaya dadka dhaawacyada qaba.

“Runtii arrintani waa fal argagax leh, kuwa dhibaatadan u geystay shacabkana Insha allaahu wey ku naartegayaan. Shacabka Soomaaliyeed waa inay ciidamada Amniga ay la shaqeeyaan, sababtoo ah qof dhuumanaya oo hadana naftiisa haligaya waa Qatar, waase laga hortegi karaa haddii shacabka iyo ciidamada Amnigu ay wada shaqeeyaan” ayuu yiri Wasirka Amniga Gudaha oo si gaar ah ugu mahadceliyay dhaqaatiirta Isbitaal Deva oo uu sheegay in shacabkan dhaawacmay ay u fidiyeen gargaar deg deg ah.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Marwo Khadar Bashiir Cali, ayaa eebe uga bariday caafimaad dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay gaartay, iyadoo tacsi u dirtay shacabkii iyo ciidamadii naftooda qaaliga ah ku weeyay falkii argagixiso, waxana ay sheegtay iney aad uga xun tahay wixii ka dhacay Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare oo dhibaato badan ay kasoo gaartay dad aan waxba galabsan.

Ugu danbeyn, Wasiirka Wasaaradda Shidaalka iyo macdanta, Mudane Maxamed Mukhtar Ibrahim ayaa ku tilmaamay weerarkii shalay mid ‘wuxushnimo’ kaasi argagixisada nabad-diidka ah ee Al-shabaab ay ku qaadeen Wasaaradaha Shidaalka iyo Waxbarashada isla markaana ay ku guul dareysteen isku day goodii ahaa in ay hakad galiyaan dib u dhiska qaranka. Waxaa uu ugu hambalyeeyay ciidanka geesinimada ay markiiba kusoo afmeereen weerarkaasi.

r1r2r3r4r5r6r7r8r9r10r11

—-DHAMMAAD—–
Waaxda Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdihso,Soomaaliya
media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM, @axmednuur

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>