Published On: Thu, May 7th, 2015

Netherlands: 500,000 oo Hollandees ah ayaa Degan Kana Shaqeysta Yurubta Kale

Share This
Tags

Netherlands paspoortIllaa 500,000 muwaadiniin Hollandees ah ayaa ku nool kana shaqeysta dal kale oo ka mid ah dalalka midowga Yurub sida lagu shaaciyay warbixin uu soo saaray xafiiska tirakoobka Netherlands ee CBS.

Tirakoobkaan oo laga soo qabtay tan iyo 20011 kii ayaa lagu ogaaday in badanka dadkaasi ka shaqeysta dalalka kale ee midowga Yurub ay u badan yihiin dalalka ku xeeran Netheralands ee xuduud wadaaga ay yihiin ee Bilgium ka oo ay ku nool yihiin 126,000 oo ah tirada ugu badan halka Dalka ku xiga ee ay ku nool yihiin kana shaqeystaan uu yahay Germany halkaas oo lagu sheegay in ay ku dhaqan yihiin 112,000 oo Hollandees ah.

Tirakoobkaan oo diirada lagu saaray jinsiga ay kala yihiin dadka Hollandeeska ee ku nool Yurub kale ayaa lagu sheegay in saddex meelood meel ka mid ah dadka ku dhaqan Estonia iyo Latvia ay yihiin Dumar halka 65% ay ku degan yihiin Greece iyo Italy.

15% boqolkiiba oo ka mid ah 500,000 ee qof ee degan Yurubta kale ayaa da’ahaan ka yar 30 sanno halka 40% boqolkiiba ay ka weyn yihiin 50 jir.

Kala bar kuwa jira 30 meeyada ayaa ku nool dalka Britain oo badankood ay u joogaan waxbarasho halka kuwa 50 jirka iyo ka weyn ay degan yihiin kana shaqeystaan Germany iyo Belgium.

Daraasadaan ayaa laga soo qaatay tirakoob rasmi ah oo lagu soo sameeyay muwaadiniinta Hollandees ah ee ku kala dhaqan 32 dal oo ka mid ah Dalalka Yurub.

 

Fogaan Arag News

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>