Published On: Fri, Dec 23rd, 2016

AF-YAQAANKII TURUN-TUROODAY.

Share This
Tags

Waa kuma Weriyaha Af Soomaali laga baran karo oo ka Shaqeeya Idaacadda VOA-da?

Wax badan ayaan ku taamayey in aan mar uun Waraysto Qoraa sare Maxamed Daahir Afrax oo lagu Naynaaso Afrax iyo Afka Hooyo, Waxaan doonayey oo kaliya in aan waydiiyo sababta ay ugu baxday Koofaarta Afrax iyo Afka Hooyo, Arintaasi waxay ii suura gashay Habeenkii 1-aad ee Sanadkii 2014-kii, waxaan kula kulmay Hoteelka Amiira,  Su’aal ka dibna, Waxa uuna yiri.

“Walaahi ma garanaayo hhhhhhh,  laakiin waxaan u malaynayaa iney ku timid ka daba mintidka aan ku ahay Afka Soomaaliga, difaaciisa iyo u ololayntiisa, labaatankii sano la soo dhaafay waxaan wedey  qayladhaan aan isku deyey inaan dadka ku baaraarujiyo afkooda qiimaha uu ugu fadhiyo,  halista ku soo fool yeelatay, baahida loo qabo  in la badbaadiyo, cidda badbaadintiisu saaran tahay iney tahay Ummadda Soomaliyeed oo dhan, in la isugu yimaada fagaarayaasha si la isugu baraarujiyo arimahaas, Waqti badan oo aan geliyey inaan sameeyo meelo lagu kaydiyo Afka Soomaalida, Aasaaska Ururka Somali Pen iyo Wargays Xiliyeedkii Hal Abuur oo aan London ku aasaasay, markay dadku intaas iyo in kale Idaacadha iyo Telefishinada ka arkeen ama ka maqleen ayaan u malaynayaan”.  Waa uu sii hadlay Mudane Afrax oo waxa uu yiri..

“Waxaa kaloo jirta U qayla dhaaaminta Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo markii hore ka bilaabatay Magaalada Jabuuti, hadana gaartey Soomaaliya oo dhan sida Muqdisho, Garoowe, Harhgaysa iyo Jigjiga, waxyaabahaas oo dhan waxaa iiga lumay waqti badan, waxaan u daayey dhowriska Afka Soomaaliga danahaygii oo dhan, dad badan ayaa igu nacay oo igu yiraahda maxaa ku daba dhigay Af Soomaaliga adigoo aan Af Soomaali wax ku baran, waxna ku qora Afaf kale, Tacliintaydii hore waxay ahayd Af Carabi, taydii danbane waxay ahayd ilaa PHG Af Ingiriis. Hadaan wax qorayo Af Soomaaliga iyo Luqadaha kale sida Carabiga iyo Ingiriiska waxaa ii sahlan inaan wax ku qoro Carabiga ama Ingiriiska, laakiin waxaan ka doorbidayaa Afka Soomaaliga oo ah Afkayga Hooyo”. Mr. Afrax aya intaa ku daray.

“Waxaan arkay dad badan oo Aqoonyahano isku sheegaya oo ka faanaya ku hadalka Afka Soomaaliga marka Shirarka la isugu yimaado, Dad badan ayaa la dirira Afka Soomaaliga oo rumaysan in aan Af Soomaali meel lagu gaarayn, Qaar baa ku leh Af Soomaaliga waa Lahjad, Qaar baa ku leh waa Jaahiliyad ee aan u laabano Afka Carabiga maadaama aan Carab nahay. Qof walba Afkii uu wax ku bartay ama ku shaqaystay ayuu difaacayaa, marka anigoo Afaf Qalaad wax ku bartay, wax ku qora, iigana fudud yihiin Afkayga Hooyo  ayaan hadana ka daba rafanayaa af Soomaaliga, marka waxaa laga yaabaa iney halkaas ka timid kelmadaan ama Naanaystaan aad sheegtay ee Afrax iyo Afka Hooyo.”

Waxaa hubal ah in Afrax yahay Af yaqaan wax badan ka qabtay dhowrista Afkeenna Hooyo, Habeen Habeenada ka mid ah ayaa waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhegaystayaasha Idaacadda GoobJoog, waxaa xiligaas ka socdey Barnaamij aad u qiima badan oo la yiraahdo.  (Ku hadal Af Soomaali barax la’) waxaa ka hadlayey Qoraaga Maxamed Daahir Afrax, waxaa uu ka hadlayey qiima dhaca ku yimid Adeegsiga Afka Soomaaliga marka laga hadlayo Warbaahinta Caalamiga ah sida BBC-da iyo VOA-da.

Aqoonyahan Afrax waxa uu yiri. “Waxaan jeclahay  halkaan in aan ka xuso Qalabka Warbaahinta ee Af Soomaaliga ku hadla Qoloda kaliya ee aan isleeyahay Hormuud ayey u  yihiin VOA-da weeye, mar BBC-da ayaa hagi jirtay oo ahaan jirtay  Hormuudka waqtiyo hore, laakiin aad buu hoos ugu dhacay tayadii Adeegsigii Af Soomaaliga ee BBC-da  waxay la mid noqotay kuwaan caadiga ah oo kale (Idacadaha Gudaha) laakiin waxaad  moodaa VOA-du in ay dadaal badan sameeyeen oo dheeraad ah oo ah Xaga Xirfadda Wariyenimada iyo xaga Adeegsiga Af Soomaaligaba.

Marka waxaan oran lahaa Dhallinyarada haddii ay cid ku dayanayaan oo ay ka tilmaan qaadanayaan Dhallinyarada Wariyaasha ah ee Warbaahiyaasha ah haka tilmaan qaataan oo haku daydaan Wariyaashii Waaweynaa inta ka nool oo weli Warbaahinta ku jirta.  waxaa ka mid ah Maxamuud Cabdi Ducaale ninka la yiraahdo oo Horn Cable ka tirsan, Waxaa ka mid ah Cabdi Nuur Sheikh Maxamuud, waxaa ka mid ah Idiris …… dhowr baa ka harsan kuwaas Ruug-cadaagaas iyo VOA-da intooda Macalimiinta aad is leedihiin waa ay noqon karaan, kuwaas ha noqdaan kuwa aad ku dayaneysaan haddiiba aad dad ku dayaneysaan”

Aqoonyahanka Maxamed Daahir Afrax oo lagu Naynaaso Afrax iyo Afka Hooyo, waxaa uu ka hadlay arin xasaasi ah, waxaan marag madoonto ah in uu hoos u dhac ku yimid Af Soomaaliga Idaacadda BBC-da, laakiin waxaa iswaydiin leh, Waa kuma Weriyaha ama Shaqsiga Af Soomaali laga baran karo oo ka shaqeeya Idaacadda VOA-da ????.

Marka runta la abaaro waxaa xaqiiq ah in kastoo BBC-da hoos u dhac dhinaca Af Soomaaliga ahi ku yimid hadana waxaa jira weli Weriyaal Af Soomaaliga laga baran karo oo ka shaqeeya Idaacaddaas, waxaana ka mid ah Daadihiyihii Barnaamijkii Radiyo Muqdisho ee Bandhigga Raadiyaha Cabdinuur Sheikh Maxamed Isxaaq iyo Axmed Cabdi Nuur oo ahaa War Akhriye Raadiyaha iyo TV-ga Qaranka, laakiin anigu ma garanayo Weriye Af Soomaaliga Ehel u ah oo laga baran karo kana hawl gala Idaacadda VOA-da. Haday arintu sidaas tahay Afrax sow uma muuqdo Af-yaqaankii turun-turooday?

Cabdinasir Xersi Iidle

Naasirx1@gmail.com

Tel. 00252615503978

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>