Published On: Sat, Jan 7th, 2017

NUSOJ oo Xaflad u qabtay Senator Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Khaalid Macow

Share This
Tags

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ujeedkeedu ahaa soo
dhoweynta labo Mudane oo ka tirsanaa Bahda Saxaafadda kuna biiray
labada aqal ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa lagu qabtay Magaalada
Muqdisho. waxaana soo qaban qaabiyey Munaasabda Ururka Saxafiyiinta
Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Ugu horeyntii waxaa Munaasabadaas ka Hadley Xoghayaha Guud ee Ururka
Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu,
waxaa uu sheegey in Ururka NUSOJ ay ku faraxsan yihiin in Xubno
Baarlamaani ah ay ku yeeshaan Labada Aqala ee Baarlamaanka.

“Waan soo dhaweynaaa hadii aan nahay Bahda Saxaafadda Xubaha ka mid
noqdey labada Aqal oo ay ugu horeeyeen Senator Abshir Maxamed Axmed
(Abshir Bukhaari) iyo Xildhibaan Khaalid Macow Cabdulqaadir” ayuu yiri
Macalimuu oo ka codsaday labada Mudane in ay Warbaahinta la shaqeeyaan
maadaama ay hore ugu tirsanayeen bahda Saxafadda wuxuuna Intaa ku
darey in ay cabasho Badan ka jirto Xeerka Saxaafadda ee la meel
mariyey

Waxaa kaloo Munaasabadaas lagu soo dhaweynayey Senator Abshir Bukhaari
iyo Khalid Macow ka Hadley Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo
sheegey in Bahda Warbaahinta ay heleen Laba Xubnood o firfircoon
isagoo ugu baaqey Labada Mudane in ay Bahda Saxaafadda si hoose ula
shaqeeyaan.

Xubnihi kale ee ka hadley Munaasbadaas soo dhaweynta waxaa ka mid ahaa
Xildhibaan Xamsa Saciid Xamsa iyoi Gudoomiyaha Uurka Haweenka
Suxufiyiinta SWJ Farxiyo Maxamed Khayre waxayna labadooda u
mahadceliyeen intii soo qaban qaabisey Munaasbada lagu soo dhaweynayey
Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) iyo Xildhibaan Khaalid
Macow waxayna ka codsadeen iney ka shaqeeyaan sidii loo Horumarin
lahaa Saxaafadda Soomaaliya .

Xildhibaan Khaalid Macow oo Muddo dheer ku soo jirey Bahda Warfaafinta

Soomaliya oo ka Hadley Munaasabdaas lagu soo dhaweynayey ayaa
Mahadceliin ka dib waxaa uu ku dheeraadey Taariikhdiisii iyo Doorkii
uu ku lahaa Bahda Warbaahinta isagoo halkaas ka balan qaadey in uu mar
waliba gacan siin doono Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta, sidoo kale
waxaa uu u soo jeediyey Bahda Warfaainta in ay ka qayb qaataan Dib
Dhiska Dalka.

Waxaa Munasabadda soo xiray Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir
Bukhaari) oo Xubin ka ah Aqalka sare waxana uu ugu horayn u
mahadceliyey Urur Suxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ oo uu
sheegey in uu yahay urur muddo Dheer soo shaqeynayey waxa uuna ku
booriyey in maanta wixii ka dambeeya ay sii laba jibaaraan Wada
shaqeyntooda

“Xeerka Saxaafadda ee la ansaxiyey ma ahan Kitaab Qur’aan waxaan ku
dadaali doonaa in wax badan laga badelo qodobada aad ka Cabaneysaan,
sidoo kale hadii aan nahay Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka,
waxaan Xooga Saari doonaa in dalka ay ka hirgasho Saxaafad Xor ah oo
ka shaqeysa Danaha Bulshadda Soomaaliyeed ” sidaas waxaa yiri Senitor
Abshir Bukhaari oo hoosta ka xariiqay in mar walba loo baahan yahay
Saxaafad Asluub leh.

Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa ah Musharax u
taagan Xilka Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka sare halka
Xildhibaan Khaalid Macow Cabdulqaadir u taagan yahay Gudoomiye ku
xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka.

Fogaan Arag News

Abdinasir Iidle

Muqdisho

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>