Published On: Wed, Feb 8th, 2017

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

Share This
Tags

Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gabagabowday kadib markii wareega labaad ay ku tartameen saddexdii musharax ee ugu codadka badnaa wareegii hore, kuwaas oo kale ahaa Madaxweynaha xilka ka daganaya hada ee Xassan sheekh Maxamuud, Madaxweyne hore Shariif sheekh Axmed iyo Madaxweynaha la doortay ee Maxamed Cabdullahi Farmaayo.

Natiijada codbixinta wareega labaad oo si weyn uu ugu horeeyay Maxamed cabdullahi Farmaajo oo helay 184 cod, shariif sheekh Axmed oo helay 46 cod iyo Xassan sheekh Maxamuud oo helay 97 cod ayaa waxay ka dhigneyd in loo gudbo wareega seddexaad oo ay ku tartami lahaayeen labada musharax ee ugu codadka badna.

Hase ahaatee Madaxweynaha xilka banaynaya ee Xassan sheekh Maxamuud ayaa go,aansaday in uusan sii dheereen doorashada maadaama uu jiray farqi weyn oo dhinaca codadka ah oo u dhexeeyay isaga iyo musharax ugu codbadnaa.

Sidaas darteed waxaa doorashada ku guulaystay Maxamed Abdullahi Farmaajo oo ku helay codad aqlabiyad ah oo aad ugu badan musharixiinta kale oo dhan.

Madaxweynaha la doortay ee Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa horey u soo noqday Ra’iisulwasaare dalka xiligii uu madaxweynaha ahaa Shariif sheekh Axmed, iskana casilay xilka kadib markii ay isqabteen Madaxweynihii xiligaasi.

 

Fogaan Arag News

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>