Published On: Thu, Feb 16th, 2017

Wariye Somalilander ah oo ka dhiidhiyay xariga loo gaystay Wariye Coldoon + video

Share This
Tags

Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland , waxaa dhowaan lagu xiray weriye Cabdimaalik Coldoon oo reer Somaliland oo ka soo laabtay magaalada Muqdishu ee caasimada Somalia.

Xariga Coldoon ayaa sida la sheegay sabab looga dhigay maadaama uu tagay magaalada Muqdishu oo xukuumada Somaliland ay u aragto meel cadow ku ah jiritaankeeda.

Haddaba qaar ka mida suxufiyiinta u dhashay Somalilandoo ku sugan Hargeysa ayaa aad u cambaareeyey xariga weriyaha oo ku tilmaameen inuusan xalaal aheyn oo uu xadgudub ku yahay saxaafada madaxbanaan.

Halkan daawo muuqaal shir sharaa’id oo uu qabtay weriye ku hadlayey magaca suxufiiyiinta madaxabanaan ee Somaliland.

M Abdi Farah

Fogaan Arag News

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>