Published On: Mon, Mar 13th, 2017

SAFARKII  KUNKA KIILOOMITIR EE WARIYE CABDI NAASIR XIRSI IIDLE

Share This
Tags

Soomaaliya waxaa   hadda ka jira dhibaatooyin fara badan oo ay ugu daran tahay abaarta,  si aan ugu kuur galo  saamaynta ay abaartu  ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool Bariga Gobolka Mudug  ayaa Gaalkacyo oo aan diyarad ku tegey  ka dib waxaan safarkayga ka bilaabay anigoo dhulka maraya Deegaanka CARFUUDA oo 20 KM u jirta Gaalkacyo, kala bar in ka badan dadkii halkaasi ku noolaa waxay u bara kaceen deegaanka XAAR-XAAR  halkaasi oo xarun u ah  dadkii ka  barakacay dagaaladii  Gaalkacyo.  dhibaatadu halkaasi  ka jirta  ma yarayn  waxaad ka garan kartaa Fuustada Biyaha la cabo waxaa  la kala  siistaa 160.000 Sh. So. oo u dhiganta 5$,  ma laha  xarun caafimaadka ama MCH, waxbarasho ma leh  wax horumarna haba sheegin. Intaasi kadib waxaan tagay deegaanada BAJEELA, AF-GUDUUDLE, XAARO, LAASO CAYR, CEEL DIBIR,  XERO DHAGAXLAY, WISIL,  JIRAY, BIYAMAAL,  CADAAD LOW LOW, HOBYO, LEBED,  BUD BUD,  XIIN GOD, anigoo sii maray  DOCOL, WAR GALO iyo GAWAAN, markii dambana soo maray BANDAR QAALI, BITAALE iyo QAR QOORO DHEER.

Meelahaasi waxaa ka jira  dhibaatooyin ay ugu daran tahay abaarta, muddo labo sano ah  wax roob ah kuma hoorin degaanadaasi, xoolihii  kala bar waa le’deen,  nolosha dadkuna waa mid aan la sheegi karin, dhulku waa geed gaab  mana jiro geed cagaaran  oo ay daaqaan hanbada xoolaha ka hartay, haddii la iibsan lahaa xoolaha beec  ma leh, kuwo irmaana  maba jiraan, haddii ay jiraanna waa fara ku tiris, shaaha la cabo Caano Booro ayaa lagu Caddaystaa Beled & Baadiyaba,  waxaa la siiyaa caruurta Caano Booro,  si kastaba  waan ogaa in dhulka abaari ka jirto laakiinse waxaan soo arkay in ka badan waxaan filayay sababtoo ah  waxaan arkay dad waashay  markii duunyadii dhaaftay, waxaan arkay Ari Geella ka adkaysi badan, waxaan arkay nin haysta afar tiro  oo Ari ah  (Afar Boqol) oo shaaha caano boore  ku caddaysanaya, waxaan arkay Ari  ceelkii  u muuqdo  oo booyad biyo loogu dhaaminayo, waxaan arkay Geel Mesego loo la karinayo, waxaan arkay lo’  baakaddo lagu quudinayo, waxaan arkay baraago qarxay markii  ay dhibic roob ah waayeen, waxaan arkay  dugsiyo Qu’aan  oo  laga hayaamay iyo caruur  iyo waayeel nafaqo daro la il daran.

 BIYAHA

Dhibaatada ugu daran  ee deegaanadaasi ka  jirta  waa biya la’aan saamaysay dadka iyo duunyada intaba, biyaha waxaa loo yaqaan  labo nuuc  oo loo kala bixiyay  BIYO SOOLAR &  BIYO XAREED, Biyo Soolarka  ah waxaa looga jeedaa biyaha qaraar, kuwa macaana waa xareed, kuwa xareeda ah waxaa loo gadaa sida biyaha sifaysan ee magaalooyinka lagu iibiyo ee loo yaqaano (MOOYA SIXIDA ama DUR-DUR)  inta badan deegaanada aan tagay  ma jiraan Matooro Biyaha soo saara, waxaana Ceelasha lagu cabaa WADAAN  sida degaanada BAJEELA, XAARO,  LAASO CAYR, CEEL DIBIR,  AF-GUDUUDLE, XERO DHAGAXLAY, LEBED,  BUD BUD,  BANDAR QAALI, BITAALE, iyo QAR QOORO DHEER,  biyuhu waa qaraar oo aan  nafta loo quuri karin waxaana ku dhiban dadka nugulka ah sida caruurta haweenka iyo waayeelka, waxaa jira kuwo aan lahaynba wax ceelal ah sida deegaanada  JIRAY, BIYAMAA, CARFUUDA, LAASO CADALE   iyo CADAAD LOW LOW. Balse waxay lahaayeen BARAAGO waana qarxeen markii ay  waayeen dhibicda roobka  goobta ugu dhow ee deegaanadaasi  biyo ka heli karaan  waa 15 KM.

Biyo xumadaasi waxay aafaysay noolaha oo dhan.  Qiimaha biyaha  ayaa ahaa kuwo kala duwan  oo  Booyadii biyo ah   inta ka sokaysa  HOBYO waxaa la kala siistaa  150$ inta ka shishaysana  ee u dhaxaysa BUD BUD iyo CEEL DIBIR waa 400$ waana la daymiyaa  dadka  oo waxaa lagu xujeeyaa  in deyn bixiyaha kaliya laga iibin karo xoolahaasi markii  la roobsado,   in lacagtaasi  la helo  waa adag  tahay. Dadkana inta badan waa wada  qaamaysan yihiin.

WADDOOYINKA

Dhibaato kale waxay ahayd wado la’aan  ay ka sinaayeen deegaanadii aan booqday  meel kasta waxaa ku yaala waxa loo yaqaan RASTO Ameerikaan   bacaad duugay ama Dhagax Goglan oo laba baabuur isku dhaafi Karin. Tusaalle fiican oo aan la kulmay haddii aad Booyad Biyo ah dalbato  si aad xoolahaaga ugu waraabsato,  waxaad ku qasban tahay  inaad hagaajiso wadada ay Biyahaasi soo marayaan,  dhinaca kale haddii ay dhacdo in  la soo  gurmado ma laha wado la maro  si dadka loo bad baadiyo,  waxaase yididiilo leh wado Jaay ah oo laga bilaabay WISIL oo  hadda maraysa GAWAAN  lana doonayo in HOBYO la gaarsiiyo.

CAAFIMAADKA

Deegaanada  leh Rugaha Caafimaad sida MCH waxaa fara ku tiris waxaana ka mid ah WISIL, HOBYO, BUD BUD, iyo XERO DHAGAXLEY, waxaa jira kuwo leh Rugo Caafimaad oo haddana aan shaqayn iyadoo laga cabanayo daawo la’aan  sida BAJEELA, CEEL DIBIR iyo XIIN GOD ( waa halka  deegaan oo leh Gaariga Gurmadka (Umblance) oo ay leeyihiin MCHka deegaanka ku yaala  oo qofka xanuun ku  soo boodo loogu qaado Gaalkacyo, kuwa kale lagama yaqaan  MCH-yo  sida  XAARO, AF-GUDUUDLE, CARFUUDA, LAASO CADALE iyo LEBED iyo  meelaha baadiyaha ah  sida  LAASO CAYR,  JIRAY, BIYAMAAL IYO CADAAD LOW LOW.  Daryeelka Caafimaadka ugu dhow waa Gaalkacyo gaarigana waxaa lagu kireeyaa  inta u dhaxaysa  (300$-500$)   oo haddii aanan  la heli karin ay dhibaato caafimaad wajahayaan. Ma jirto meel hal Dhakhtar  Caafimaad joogo deeganadaasi oo dhan.

WAXBARASHADA

Waxbarsahada waxaa jira meel Dugsi Waxbarasho leh oo shaqeeya sida XAARO (Waxaa jooga hal Macallin), XIIN GOD (Waxaa jooga hal  Macallin) XERO DHAGAXLEY (Waxaa jooga labo Macallin) WISIL (Waxaa jooga seddex Macallin) BUD BUD (Waxaa jooga seddex Macallin)  HOBYO (Waxaa jooga seddex Macallin) CEEL DIBIR (Waxaa jooga seddex Macallin) waxaa jira   deegaanno leh dugsiyo   oo aan shaqayn sida BAJEELA.  Meelaha qaarna lagama yaqaan wax dugsi (School) ah sida  AF-GUDUUDLE, CARFUUDA, LAASO CADALE, LEBED,  LAASO CAYR ,  JIRAY, BIYAMAAL IYO CADAAD LOW LOW.

Dugsiyadaasi waxay iskugu  jiraan  kuwo ay sameeyeen hay’ado samafal sida Dugsiyada  XERO DHAXAGLEY, BAJEELA, WISIL, CEEL DIBIR iyo kuwo ay dadka deegaanka gaar ahaan Jaaliyadaha Dibada ay maal galiyeen, sida Dugsiyada BUD-BUD iyo XIIN-GOD, Lacagaha Mushaaraadka Macallimiinta Dugsiyada waxaa bixiya inta badan dadka deegaanka  oo gacan ka helaya Jaaliyahada Dibada;  waxaana intaasi dheer dugsiyo QUUDIN leh oo laga helo Quraac & Qado   ay bixiso  Hay’ada Cuntada Adduunka (WFP). Dugsiyada  ay quudiso (WFP) ee aan arkay waa dugsiyada  BUD-BUD  iyo XAARO. BAJEELA Dugsiga ku yaala waa Macallin la’aan oo waxay dadka deegaanku awoodi waayeen mushaaraadka Macallimiinta,  meelaha qaarkoodna  Iskuuladu waa lacag ay waalidiidnta bixiyaan sida HOBYO iyo CEEL-DIBIR.

GAR GAAR BANI AADANIMO

Xaalad ba’an ayaa ka taagan deegaanada aan soo maray dadka iyo duunyada waxay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah,  hay’adaha   gobolka ka howl gala kuwa ugu samaynta badan waxaa ka mid IRC, ICRC, ADESO, iyo MERCY INTERNATIONAL oo qaabilsan caafimaadka. Markii dadka degaanadaasi aan la sheekaystay wax gurmad ah oo la sheegi karo  ma jiraan,  mudadii lixda bilood ahayd ee ugu danbaysay,  marka laga reebo hay’ada ADESO  oo  seddex deegaan (LEBED, BUD BUD, & XIIN GOD)  siinaysay qoysaska saboolka ah min 50$ muddo labo bilood ah, waxaana intaasi dheer HOBYO oo  ka bixiso kharashka dadka nadaafada deegaanka ka shaqeeya oo ay siiso min 100$ dad gaaraya 120 qof.   Waxaa intaasi raaca hay’ada IRC  oo  LEBED u samaysay 7 ruux ganacsi ku kacaya min 1000$ qofkiiba  oo lagu komeerayo lana taakulaynayo ciddii hoos u  dhac laga dareemo. Waxaan kaloo arkay kormeerka saraakiisha hay’adaha IRC iyo ICRC oo meel walba gaarey.

HORUMARKA

Wax horumar ah kama jiraan deegaanadii aan soo maray oo dhan   sida: dayactirka ceelasha oo intooda badan guray,  daryeelka caafimaadka oomeelha qaar lagu diimayo, waxbarashada oo meelaha qaarkood  aan ka jirin iyo dayactirka wadooyinka   oo aad loogu baahan yahay xilligan, taasi oo fududayn lahayd in dadkaasi si sahlan lagu  gaaro loona gurman karo haddiiba ay jirto wax u gurmad ah oo loogu tala galay.

W.D.  Cabdinaasir Xersi Iidle

Mail: naasirx1@gmail.com

Mobile: +252615503978        

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>