Published On: Thu, Mar 16th, 2017

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Shaqaalaha Xafiiskiisa + Sawirro

Share This
Tags

Muqdisho, March 16, 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna kala hadlay dar-dar gelinta howlaha horyaala Xukuumadda oo ay hormuud u yihiin shaqaalaha Xafiisku.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda ay ku shaqeeyaan howl-wadeenada, ku xigeenka Xog-yaha Joogtada iyo Agaasimeyaasha Waaxaha xafiiska, iyagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub, si loo meel mariyo barnaamijyada uu Xukuumadda ku hoggaamin doono.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono sidii ay u heli lahaayeen Shaqaaluhu xuquuqdooda, iyagana lagula xisaabtami doono shaqada ay ummada u hayaan, ayna qeyb ka tahay qorshaha isla xisaabtanka ee Dawladda.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>