Published On: Sun, Aug 20th, 2017

Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay Khilaafka siyaasadeed ee Hirshabelle

Share This
Tags

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku taageertay go’aanka baarlamaan gobolleedka Hirshabeelle ay xilka kaga qaadeen Madaxweynihii maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble.

Waxaana ay ku taliyeen in muddo 30 cisho ah lagu qabto doorashada madaxweynaha iyadoo wasaaradda arimaha gudaha ay kormeer ku samaynayo qaabka doorashada iyo guddiga doorasho ee loo magacaabo.

Waxaa sidoo kale ay ay wasaaradda taageertay tallada baarlamaanka Hirshabeelle ee ah in kaliya beesha uu ka dhashay madaxweynaha laga xayuubiyay xilka ay u tartamaan kursiga ugu sareeya Hirshabeelle ee madaxweynanimada

Fogaan Arag News

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>