Published On: Tue, Aug 22nd, 2017

Qoxooti damacsan in ay ka soo baxsadaan Finland kuna soo wajahan Sweden

Share This
Tags

Qoxooti u badan ciraaqiyiin oo ka dhiiban dalka Finland balse aan helin deganaansho ayaa qorsheynaya in dibadbax socod ah ay ugu soo baxsadaan dalkaasi Finland.

Nuor Dawood oo ka tirsan qoxootigaasi ayaa warbaahinta Finland u sheegay in dibadbaxa ay dhigayaan uu yahay mid ay ugu soo horjeedaan hanaanka magangelyodoonka Finland, waxa uuna yiri

“Xaaladda way xumaatay, waxa ay dadka ka qabanayaan xeryahay qoxootiga iyo wadooyinka kadibna xabsiyadda ay dhigayaan ama way masaafurinayaan sidaas darteen ma sugayno illaa ay na masaafuriyaan ee waxaan magangelyo waydiisanaynaa Sweden”

Waxa uuna intaasi ku daray in tiradooda ay noqon karto tobonaan illaa boqolaal si ay ugu soo baxsadaan Dalka Finland.

Nuor oo sharaxayay qaabka mudaaharaadka ay damacsanayihiin ayaa sheegay in ay wadaxaajood la galayaan ciidanka illaalada xadka ee Finland haddii ay noo ogolaandaan waxaan u soo gudbaynaa Sweden haddii ay naga diidaana waan iska joogaynaa ayuu yiri, waana mudaaharaad nabadeed oo aan ku soo bandhigayno sida aanan raali ugu aheyn hanaanka magangelyodoonka Finland ayuu raaciyay hadalkiisa.

Caadiyan xadka u dhexeeya Sweden iyo Finland ee Magaalooyinka Haparanda oo sweden ah iyo Tornio oo Finland ah wuu furan yahay, waana halka ay damacsan yihiin in ay ka soo galaan Sweden.

Lisa Danling oo ka tirsan waaxda qoxootiga Sweden ayaa sheegtay in ay u diyaarsan yihiin qulqulka qoxootigaasi booliiska xadkana ay si weyn ula soconayaan, waxayna intaasi ku dartay in ay eegayaan qofkasta iyo xaaladiisa ama kiiskiisa sidaasay tahayna ay dhaqan galinayaan sharciga dublin oo macnahiisa uu yahay in qof walba uu xaq ku leeyahay meesha uu iska dhiibay, oo ay tahay in dib loogu celiyo.

 

Fogaan Arag News 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>