Published On: Thu, Dec 28th, 2017

Sweden: Dad laga helay cudurka faafa ee jadeecadda

Share This
Tags

Cisbitaalka jaamacadda Sahlgrenska ee Gothenburg ayaa looga dhawaaqay xaalad diyaargarow ah kadib markii ay heleen kiisas cudurka jadeecadda ah.

Maalintii labaad ee ciida kirismaska ayay saraakiisha Cisbitaalka Sahlgrenska Gothenburg ay xaqiijiyeen in ay heleen sideed kiis oo cudurka jadeecadda iyagoo kadibna dalbaday shaqaalaha dheeraad ah oo ka caawiya xakamaynta faafida cudurkaasi oo ah mid si weyn u faafa.

10 kii bishaan ayay aheyd markii ugu horeysay ee cudurkaan ay ka heleen qof ka soo laabtay dalka bibadiisa kadibna ay sii ogaadeen illaa sidee qof oo kale oo qaba cudurkaasi.

Anne Olmarker, oo ah agaasinmaha cisbitaalka Sahlgrenska Gothenburg ayaa raadiyaha Sweden u sheegtay in hada ay ku howlan yihiin sidii ay u baabi’in lahaayeen faafida cudurka sidaas darteedna ay isku dayayaan in ay ogaadeen qofkasta ee uu gaaray cudurka tan iyo markii ugu horeysay ee ay heleen qof qaba oo aheyd 10 bishaan.

 

Fogaanarag.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>