Published On: Thu, Dec 28th, 2017

Sweden: Basas bilaa darawal ah oo ka howlgalaya waqooyiga Stockholm

Share This
Tags

Waaxda gaadiidka Sweden ayaa ogolaatay in busus darawal la,aan ay ka howlgalaan Magaalada Stockholm waana markii ugu horeeyay taariikhda dalka Sweden iyo Scandinavian ay ka shaqeeyaan bususka noocaan ah.

Bususkaan ayaa isaga gudbaya inta u dhexeysa Kista mall iyo Victoria tower oo ah waqooyiga Stockholm, waana 1.5 kilo mitir markiiba iyagoo ku soconaya xawaare ah 20 kilo mitir saacadiiba.

Bususkan bilaa darawalka ah ayaa adeegsanaya GPS iyo Sensor to loo xaqiijiyo in aysan wadada ka bixin sidaasay tahayna waxaa saaran darawal aanan waxba qabanaynin balse loo qorsheeyay in uu wado haddii uu qalqalo system ka uu ku socdo buska.

Ma lahan wax isteerin ah balse waxaa loo dhisay qaab uu ku hajgi karo daral si loo waafajiyo sharciga wadooyinka Sweden oo ah in aanan wada la saari karin gaari uusan la socon darawal.

Waa laba bus oo midkiiba ay raaci karaan 12 qof iyadoo hada ka dhex shaqeynaya Kista iyo victoria tower mana ahan wax lacag sida lagu bilaaway.

Waaxda gaadiidka ayaa sidoo kale sheegtay in ay hada ku howlan yihiin todobo bus oo kale oo la mid ah kuwaan, waxayna rajaynaya in ay wadadad soo saaraan busus badan sanadka 2018.

 

Fogaanarag.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>